Nigeria: Waxaa lasii daayay gabdho todobaadkii hore laga afduubtay iskuul ay dhiganayeen

47

Mas’uuliyiinta dawlada Nigeria ayaa sheegay in lasii daayay inta badan gabdhihii todobaadkii hore laga qafaashay iskuul ay dhiganayeen oo ku yaala waqooyi galbeed dalkaasi.

Maamulka gobolka Zamfara oo jimcihii ay koox hubeysan ka afduubteen 300 oo gabdhood oo iskuul dhiganayay ayaa warbaahinta u sheegay in hadda lasoo daaray 276 halka inta dhimana dadaalka soo deyntooda ay socoto.

Gudoomiyaha gobolka ay dhacdadaan  ka dhacday ayaa sheegay in kooxdii gabdhahaan qafaashay ay qaateen lacag madax furasho inkastoo aan cadadkeeda la shaacin.

Qaar ka mid ah gabdhahaan oo jimcihii la qafaashay ayaa willi maqan inkastoo la aaminsanyahay inay ka baxsadeen kooxda afduubtay.