Nin hubeysan oo maanta dil ka geystay magaalada Garoowe ee G/ Nugaal

52

Wararka ka imaanaya Garoowe ayaa sheegaya in maanta gudaha magaaladaasi lagu dilay nin shacab ah oo aan waxba galabsanin.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Yaasiin Aways Maxamed, kaas oo ahaa nin xoogsato, islamaarkaana ka soo jeeda magaalada Jowhar.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya inuu toogtay nin ku hubeysnaa bistoolad, kaas oo u dilay sabab la xiriirta jidka oo xirmay ama ciriiri ahaa.

Warar ayaa sidoo kale intaasi ku daraya inuu baxsaday ninkii ka dambeeyey falkan, kaas oo haatan ay ku raad-joogaan ciidamada ammaanka ee Puntland.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa caasimadda Puntland ee Garoowe ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal, dhac iyo falal kale oo ka dhan ah shacabka.