Nin lagu eedeeyey inuu Kufsi geystay oo lagu qabtay degmada Afgooye

70

Ciidanka amniga degmada Afgooye aya gacanta ku dhigay nin lagu eedeyay in uu kufsaday laba haween ah oo ku sugnaa beeraha degmadaasi.

Mid ka mid ah haweenka la kufsaday ayaa da’deeda lagu sheegay 85 sano jir, sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka.

Eedeysanaha ayaa haatan ku xiran saldhigga Booliiska magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha Soomaaliya ku soo badanayey dhacdooyinka la xiriira falalka kufsiga oo ka dhacay meelo kala duwan oo dalka ka mid ah.