Nin lagu Fuliyay Xukun Dil Toogasho ah

37

Qadar Maxamuud Boqor ayaa horraantii  Bishii lasoo dhaafay September 2020 gudaha Saldhiga Booliska degmada Luuq si kedis ah ugu dilay Axmed Cabdi Barre oo ka tirsan Ciidanka Booliska Luuq ayaa waxa ay Maxkamada Ciidamada ee degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay

Sida uu  sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Luuq Sheekh Cabdi Maxamed Aadan ayaa tilmaamay in Ehelada Marxuum Axmed Cabdi Barre ay dalbdeen in la toogto Ninkii ka dambeeyay dilka Marxuumka,

Gelinkii dambe ee shalay, Maxkamadda degmada Luuq ayaa goob fagaare ah oo ku taalla degmadaas xukunkii dilka toogashada ahaa kula fulisay Qadar Maxamuud, waxaana goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiinta Maxkamadda iyo Xubno kale oo ka tirsan Maamulka.