Nin miino ku aasayey waddo ku taalla Muqdisho oo la toogtay

19

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheyan oo xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Howl-galka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dilay mid ka mid ah koox miino ku aaseysay waddo dhexmartay xaafadda suuq bacaad ee degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labo ka mid ah raggaasi ay baxsadeen, kadib is-rasaaseyn kooban oo dhexmartay iyaga iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana weli howlgallo Yaaqshiid ka wada ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.