Nin weerar ka geysan rabay magaalada Muqdisho oo la qabtay+Sawirro

67

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidanka Amniga  howlgal ay ka fuliyeen Degmada Dayniile ay ku soo qabteen dhagarqabe ka tirsan Al-Shabaab.

Mudane Tuulax ayaa xusay in dhagarqabaha oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xassan Cali kana tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayey in uu rido hubka loo yaqaano R.B.D si uu u dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qorshaha uu maleegayay dhagarqabaha, haatanna ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.