Hay’adda NISA oo baaris ku sameyneyso dhamaan shaqaalaha DF Soomaaliya

62

Shaqaalaha xafiisyadda Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa baaritaan la xiriira amaanka lagu samaynayaa sida ku cad bayaan ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada Soomaaliya.

Warqad ku taariikhaysan 03-October 2020, oo la ogaysiiyay dhamaan Wasaaradaha dalka, Xafiis-yadda Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in baaritaan la xiriira amaanka laga samaynayo wasaaradaha si loo hubiyo shaqaalaha in ay xiriir la leeyihiin Al Shabaab iyo inkale.