NISA oo sameysay hoggaan daba-gala mucaaradka

34

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in agaasimaha NISA Fahad yaasiin uu dhisay hoggan cusub, kaasi oo qaabilsanaan doono dabagalka siyaasiyiinta mucaraadka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoggaankaasi ayaa waxaa loo magacaabay Cabdullhi Dheere, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Xogta ayaa sidoo kale sheegaysa in magacaabista Sarkaalkan ay ka biyo diidan yihiin saraakiil sare oo ka tirsan hay’ada NISA,  iyagoona talaabadan u arka in ay  tahay mid khatar, islamarkaana halis galin kara ammaanka Siyaasiyiinta Soomaaliyed ee mucaaradka ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in amarka lagu magacaabay hoggaankan cusub ee dabagalka Siyaasiyiinta uu  ka yimid sida la aaminsan yahay  dhanka madaxwenye Farmaajo.

Saraakiil ka tirsan hay’ada NISA oo magacooda qariyey ayaa aaminsan in ay suuragalah tahay in shaqada NISA inteeda badan loo leexiyo dabagalka la guna bixiyo miisaaniyad culus oo ay bixinayso dowladda Qatar oo uu Fahad Yaasiin xiriir dhaw la leeyahay.

lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto balse horey ayaa dhowr jeer u dhacday in NISA eedeyso siyaasiyiin qaarkoodna la weeraray.