Nuxurka Khudbadbada Madaxweynaha KGS Ka Jeediyay Kal-Fadhiga 2-Aad Ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed.+SAWIRRO

98

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa maanta Daah furay Kal-Fadhiga labaad ee Golaha Wakiilada dowlad goboledka Koonfur Galbeed.

Ugu horayn Khudbada  furitaanka Madxaweynaha ayaa  wuxu kaga hadlay dhinacyo kala duwan iyo Waxyaabaha uqabsoomay mudada Sanadka iyo Bilooyinka ah.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Koonfur Galbeed iyo Dadaalada lagu Bixinayo sidii looga miradhali lahaa Fulinta Himilooyinka Shacabka Waxaana uu Xusay Madaxweynaha Guulaha Laga Gaaray Amniga,Xureynta Degmooyinka,Tayanta iyo Tawabarida Ciidanka,Fulinta Howlgalada Qorshaysan ee lagu Dhibaataynayo Argigixisada Alshabaab iyo Udiyaar garowga Furida Wadooyinka.

Ugu danbayntii Madaxweyne Cabdi Casis Maxamed Lafta Gareen  ayaa uga mahad celiyay Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed shaqooyinka waxtarka leh ee ay hayaan isagoo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga Labaad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO :-