Prof Jawaari oo Caawa ka qeybgalay Shirka Musharaxiinta Muqdisho ka Socda.

29

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Caawa ka qeybgalay shirka Musharaxiinta xilka Madaxweynaha uga socda hotelka Jasiira ee Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa maalintii afaraad Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya, xaaladda siyaasadeed, marxalada kala guurka ah ee dalku xiligaan marayo iyo qodobo kale oo gaar ah Musharaxiinta.

Jawaari ayaa ahaa mas’uulkii ugu sareeyay ee dowladda oo isku casilay khilaafkii u horreeyay ee soo kala dhex galay Baarlamaanka iyo Xukuumaddii uu hoggaaminayay Xasan Cali Kheyre, iyadoo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilligaas la saftay Xukuumadda, kuna cadaadiyay inuu is casilo Jawaari.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale galabta kulan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, iyagoona kala hadlaya Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/2021, kaasi oo ku qabsoomay aalada ZOOM-ka.

Shirka Musharaxiinta ayaa waxaa Maanta ku biiray Culimadda Ahlusunna Wajljameeca, isla markaana Musharaxiinta ay ka dhageysteen Aragtidooda ku aadan sidii ay u dhici laheyd doorasho xor ah, waxaana Culimadda ay ku baaqeen in la xaliyo khilaafyada jira.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku-xigeenkiisa 1-aad Abshir Bukhaari ayaa ku biiray shirka maalintii afaraad galay ee ka socda Hotel Jasiira ee Magaalada Muqdisho.