Puntland iyo Jubbaland oo kasoo horjeeystay muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo

12

Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland aya caddeeyay mowqifkooda ku aadan muddo kordhinta labada sanno ee shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyeen hay’addaha dowladda Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu caddeeyay in Go’aankii shalay ay qaateen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday uu ahaa mid sharci darro ah, kaasi oo muddo kordhin loogu sameeyay Hay’addaha dowladda.

Jubbaland ayaa waxaa ay sheegtay in tallaabadaas ay dib u celineyso hannaanka geeddi socodka dib u dhiska dowladnimada dalka, waxaana Qoraalkooda lagu yiri “Jubaland waxay cadaynaysaa wixii ka dhacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday inaysan wax sharci ah ku dhisnayn. Arrinkan wuxuu dib u celinayaa hannaanka geeddi socodka dib u dhiska dowladnimada dalka”.

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tillaabadii ay qaateen Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana ay muddo kordhin laba sanno ah ugu sameeyeen Hay’addaha dowladda iyo Madaxweyne Farmaajo.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ka xuntahay tillaabadii sharci darrada ahayd ee Aqal hoose ee Baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday maantay qaaday. Dowladda Puntland dib ayey Ummadda Soomaaliyeed kala soo wadaageysaa mowqifkeeda ku aadan dhacdadii maantay” ayaa lagu yiri Qoraalka Puntland.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shalay ansixiyay sharciga jiheynta Doorashada qof iyo Cod ah, waxaana Xildhibaanada ay tilmaameen inuu fashilmay heshiiskii 17-kii September laga gaaray doorashada.