PUNTLAND OO BAAQ NABADEED KA SOO SAARTAY COLAAD BEELEED KA ALOOSAN GOBOLKA SOOL

17

Xukuumadda Puntland ayaa xalay baaq nabadeed ka soo saartay, colaad beeleed ka taagan degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan Gobolka Sool.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa qoraal uu soo saaray ku baaqay in shuruud la’aan lagu joojiyo colaadda ka aloosan Dhabar-dalool, islamarkaana labada dhinac ay nabadda ka shaqeeyaan.

Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Dhabar Dalool ee gobolka Sool inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan gulufka colaadeed ee ka taagan halkaas, lagana wada shaqayeeyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatada soo noq-noqotay ee sababtay dhimashada iyo dhawaaca.” Ayaa qoraalka lagu yiri.