Puntland oo Caddeyn ka dalbatay hadal kasoo yeeray Dowladda Federaalka

20

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa ka hadlay diyaarad sidday wafdi ka socday Imaaraadka Carabta oo dhawaan laga celiyay Garoonka Magaalada Garacad ee Gobolka Mudug.

Wasiir Oomaar ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay sababo amni dartood ay Garoonka Garacad ee Gobolka Mudug uga celisay diyaaradii siday wafdiga ka socday Imaaraadka, ayna la socdeen Wasiiro ka tirsan Puntland.

Dhinaca kale dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadashay hadalka kasoo yeeray Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Xukuumadda xil-gaarsiinta Oomaar ee ahaa in dowladda ay Garoonka diyaaradaha Garacad ka celisay diyaaraddaas.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cismaan Cali Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay dalbanayaan caddeyn la xiriirta inay celisay diyaarada siday wafdiga Imaaraadka Carabta iyo xubno ka tirsan Puntland.

“Waxa aan ka sugaynaa Wasiir Oomaar  inuu caddayn rasmi ah ka keeno amni darrada uu  ka faafiyey Garoomada Puntland, haddii kale waxaan u arkaynaa  shiddo abuur iyo dhagar hor leh oo weerar ku ah sumcadda iyo  badqabka diyaaradaha rayidka ah ee ka hawl-gala Garoomada Puntland” ayuu yiri Agaasime Cismaan Cali Yuusuf.

Ugu dambeyn Agaasimaha ayaa hadalkiisa kusii daray “Puntland oo kaashanaysa shacabkeedu waxay markasta u taagan tahay tayeynta garoomadda Puntland, si aan Aviation isku filan u gaarno”.