Puntland Oo Ka Hadashay Dagaalkii Ka Dhacay Degaano Ka Tirsan Bari

38

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo maalin kahor ka dhacay deegaano hoostega degmada isku-shuban ee Gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Guddoomiyaha degmada isku-shuban Maxamuud Ismaaciil Muuse ayaa sheegay in dagaalka uu dhex-maray beelo hal deegaan wada-dega, isla markaana dagaalkooda uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku qabsaden Ceel-biyood laga qodayo deegaanka.