Puntland Oo Ka Jawaabtay Eedeyntii Mareykanka

49

Safaaradda Mareykanka ee muqdisho ayaa sheegtay in aanay caawin karin kuwa ka maqnaa Shirkii War-murtiyeedka laga soo saaray ee Magaalada Dhuusamareeb, isla markaana lagu go’aamiyay nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya,waxaan uu ku tilmaamay inay yihiin qaswadayaal ragaadinaya ka qeybgalka.

Xubnaha uu Mareykanka uu ku tilmaamay qaswadayaasha ee ka maqnaa Shirka Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay ahaayeen Madaxda Puntland & Jubbaland, waxaana eedeynta Mareykanka ka jawaabtay Puntland.

Nuuradiin Aadan Diiriye oo ah Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Puntland ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in Ereyada lamidka ah qaswadayaal (Spoilers) aysan wax macne ah laheyn. (Maalaa-yacni), balse muhiim ay tahay in is afgarad laga gaaro doorashada.

” Xaqiiqdi waa waqtigii saaxibadeenna caalamiga ahi ay fahmi lahaayeen oo ay si buuxda ugu qanceen in marwalba ay ahayd soomaali go’aan ka gaarey geeddi-socodkooda doorashada waqtiyadii la soo dhaafay sidaasna ay ku sii jiri doonaan mustaqbalka. Erayada ‘qaswadayaasha’ (Spoilers) wax macne ah malaha. (Maalaa-yacni)”

Maalmo ka hor Puntland waxay codsatay faragalin ay beesha Caalamku ku sameyso arrimaha shirka Dhuusa-Mareeb si ay u dhacdo is aaminaad, iyaga oo shuruud uga dhigay ka qeyb-galka Shirka in la helo Xukuumad fulisa waxyaabaha lagu heshiiyo.