Puntland Oo Ka Warbixisay Xaaladda COVID-19 Oo Soo Laba Kacleeyay

70

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay xaalada COVID-19 ee Soomaliya si gaar ah Puntland.

Wasiirka ayaa bulshada soomaliyeed iyo kuwa reer Puntland xasuusiyay in xanuunka uu wali si xoogan uga jiro aduunka ayna socdaad dadaalo looga hortagayo oo ay ugu horayso talaalo la soo saaray iyo taxadar badan oo aad ogtihiin wadamada qaar inay mamnuuceen dadka dalalka xanuunku ku badanyahay ka imaanayaan.