Puntland Oo Qabatay Shabakad & Amiiro Ka Tirsan Al-Shabaab.

37

 

Wararka naga Soo Garay Gobol Mudug Ayaa Sheegaya In  Hawlgal Qorshaysan Oo Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug Ee  Qeybta Puntland Ay Ka Fuliyeen Magaalada Gaalkacyo,

Sarakiisha Ciidamda amaanka Puntlanad  ayaa  sheegay in howlgalkaasi  ku qabteen shabakad ka tirsan Al-shabaab oo dilal kala duwan ka gaystay gudaha magaalada, kuwaas oo ka kooban todoba xubnood.

Sidoo kale Saraakiishan  ayaa waxa ay tilmamayn in gacanta lagu dhigay shabakaddii Al-shabaab u qaabilsanayd dilalka Gobolka Mudug, gaar ahaanna  waqooyiga magaalada Gaalkacyo,

Shacabkadaan ayaa   ka kooban todoba xubnood, islamarkaana ay ku jiraan laba Amiir oo hogaamineysay kooxdaan sida ay sheegay sarakiisha puntland .

Shabakadda la qabtay ayaa qirtay in ay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Gaalkacyo tan iyo sannadii 2018, waxaana weli ku socda baaritaan, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland.

Ugu damebyntii  Saraakiishu ayaa sheegay , in ay dib ka shaacin doonaan  magacyada xubnaha la qabtay, oo ay ku jiraan laba Amiiro oo muhiim ah,  kadib markii ay soo geba-gabowdo natiijada baarista, dabadeedna ay u gudbin doonaan maxkamad ciidan.

Magaalada galkcyo ayaa bilooyinki ugu dambeyey waxa ka dhacayay falal lid ku ah amaanka  guud ee magadalad kuwaasi oo lagu dilay dadcaan ka ah magaalada saraakiil ciidaan iyo mas’uuliyiin ka tirsan puntland .