Puntland oo sheegtay inay ku raadjoogto Koox dooneysa inay weerar fuliso

68

Ciidamada ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, halkaas oo dhowr jeer ay ka dhaceen falal amni darro.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameynayaan xaadaha qaar iyo wadooyinka, iyaga oo baaritano ku sameynaya Gaadiidka nooca raaxada ah, halka Guryaha qaar ay galayaan.

Qoral kasoo baxay Ciidanka PSF, ayaa  waxaa lagu sheegay in Ciidamada ay Xaafadaha Boosaaso ka baadi goobayaan Shaqsiyaad ka tirsan waxa loogu yeero argagaxisada, kuwaas oo doonaya inay weeraro ka fuliyaan Magaalada Boosaaso.

“ Ciidamada Amniga Puntland (PSF) ayaa sameeyey hawlgal lagu raadinayey shakhsiyaad ka tirsan kooxaha argagixisada ah oo doonaya in ay falal argagixisanimo ka geystaan magaalada Bosaso ayaa lagu yiri” Qoraalka Ciidamada PSF.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan hawlgallada amniga lagu adkaynayo, iyaga oo shacabka ugu baaqay inay Ciidamada la wadaagan hadii ay arkaan waxyaabo lidi ku ah amniga.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxaa hdowr jer ka dhacay qaraxyo kala duwan, kuwaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay, mas’uuliyiin, askar & dad Shacab ah intaba.