Puntland oo soo bandhigtay Ciidamo suga Amniga Gobolka Bari

24

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ay wehliyeen qaar kmid ah Saraakiisha Gobolka Bari ayaa Magaalada Bosaaso ku soo Dhoweeyay Ciidamo loogu talo galay sugida Amniga Gobolka Bari.

Ciidamadaan ayaa dhawaan tababar loogu soo xiray Xerada Ciidamada Xorgoblle ee Magaalada Qardho, waxaana ay bedeli doonaan Ciidamada ka howlgalla Gobolka Bari oo iyana tababar dhawaan loo furi doono.

Taliye Xuseen oo Ciidamada la hadlay ayaa sheegay in dadka ku nool Gobolka Bari ay yihiin kuwo si wanaagsan ula Shaqeynaya Ciidamada, isla markaana diyaar u ah in la sugo amnigooda.

Waxaa uu kula dardaarmay saraakiisha iyo Ciidamada inay dardar geliyan howlaha sugida Amniga degmooyinka iyo degaannada gobolka Bari oo mararka qaar ay ka dhacaan falal amni darro.

Ciidamadan taliska Booliska Gobolka Bari ay soo bandhigeen ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli Magaalada Boosaaso iyo degaannada kale ee gobolka Bari mararka qaar ay ka dhacaan weeraro iyo dilal ay mas’uuliyadooda sheegtaan Al-Shabaab & Kooxda Daacish.