Puntland Oo Tababar Usoo Xirtay Ciidamo Cusub

38

Cutubyo kala duwan, oo ka tirsan ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa tababar mudda u socday loogu soo xiray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Cutubyadan oo loo carbiyay takhakhusaad kala duwan, waxa tababarka loogu soo xiray taliska guud ee ciidanka PMPF ku leeyahay Boosaaso, halkaas oo ay ku soo bandhigeen wixi la baray.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Puntland, ayaa ka qayb-galay munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidankan.

Madaxda iyo saraakiishi ka qayb-gashay munaasabadda xiritaanka tababarkaas ayaa bogaadiyay tababarka iyo dib u habaynta dowladdu ku wado qaybaha ciidamada Puntland.