Puntland oo war ka soo saartay kulankii Deni, A/Madoobe iyo beesha caalamka+Sawirro

23


Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya sida Safiirada Mareykanka, UK, Sweden, Midowga Europe iyo Talyaaniga.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, iyo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho la isla ogolyahay wakhtigeeda ku dhacda.

Sidoo kale labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland ayaa maalmaha soo socda kulan gaar ah la qaadan doono Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).