Puntland oo war kasoo saartay dagaalkii Muqdisho

77

Maamulka Puntland ayaa noqday maamul goboleedkii ugu horreeyay ee ka hadlay weerarkii lagu qaaday hoteelka ay deganaayeen Midowga Musharaxiinta iyo banaanbaxayaashii kasoo horjeeday maamulka Muddo xileedkiiso dhamaaday.

Puntland waxa ay sheegtay in ay nasiib daro weyn ay tahay ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya loo adeegsado weerarkaasi.

Warka kasoo baxay maamulka Puntland ayaa sidaan u qornaa:

Dowladda Puntland waxa ay isha ku haysay waxa ka dhacayay xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii Magaalada Muqdisho, waxaa wax laga xumaado ah in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay  timaado  falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka oo weliba ay qayb ka noqdaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyey in ay dhowraan karaamada iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta dalka in uu caqligu taliyo oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed iyadoo lagu xaliyi karo sifooyin kale oo ka haboon. Lana iIlaaliyo dimuqraadiyadda curdunka ah ee aynu haysano, fursadna aan loo siin ururada argagixisada in ay helaan siyaabo ay ugu soo noqdaan magaalada Muqdisho oo ay dhibaatooyin uga geystaan.