Puntland Oo War Kasoo Saartay Qof Lagu Dilay Magaalada Garoowe

42

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay Gabar dhalinyaro ah oo labadii bishaan Magaalada Garoowe ugu geeriyooday rasaas ay fureen Ciidamo ka tirsan Puntland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa waxaa lagu Cambaareeyay falkii Ciidamada ay ku rasaaseeyay dad shacab ah oo banaanbax ka waday bartamaha Garoowe, rasaastana ay ku geeriyootay gabadha oo lagu magacaabi jiray Nadiiro Faarax Shire.

Xafiiska Difaacaha ayaa sheegay in Marxuumad Nadiiro Faarax oo 15 sanno jir aheyd marka hore uu soo gaaray dhaawac Culus, isla markaana la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada, hayeeshee halkaas labadii bishaan ugu geeriyootay dhaawicii soo gaaray.