PUNTLAND: WERIYE IYO LABO QOF OO KALE OO SHIL GAADIID KU GEERIYOODAY

13

Weriye iyo labo qof oo qoyskiisa ah ayaa ku geeriyooday shil gaadiid oo ka dhacay inta uu dhaxaysa Garoowe iyo degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal.

Nuur Jaamac Aadan oo ahaa weriye samafale ah, hooyadiis iyo walaashiis ayaa ku geeriyooday shil ka dhashay labo gaari oo mid kuwa xamuulka qaada yahay midna kuwa raaxada yahay oo isku galay aaga tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal.

Meydka saddexda marxuum ayaa la keenay isbitaalka guud ee magaalada Garoowe, welina shilkaas wax faahfaahin ah kama bixin saraakiisha Ciidanka Taraafikada gobolka Nugaal.

Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay Puntland, gaar ahaan gobolka Nugaal, waxaana la sheegaa in ay u sabab tahay wadayaasha gaadiidka oo xirfafoodu yar tahay iyo burburka waddooyinka.