Q.M oo Kenya, Itoobiya iyo Uganda kala hadashay muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya

46

James Swan ayaa wadamada Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda ka codsaday  in ay ka qeyb qaataan sidii loo hagaajin lahaa doorashada Soomaaliya, islamarkaana  looga  hortagi lahaa doorasho lagu muransan yahay oo ka dhaca Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri:

“Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxa uu bogaadiyey fursadda toddobaadkan tagay uu u helay in uu khadka taleefoonka kula hadlo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha si uu uga dhageysto aragtidooda ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo gobolka xilligan xasaasiga ah”

Dhinacyada ayaa waaxay bogaadiyeen dadaallada ay sameeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka waxayna ammaaneen guulaha illaa iyo hadda la gaaray iyadoo la adkeeyay baahida loo qabo in la sii wado wadahadalka iyo gorgortanka si loo xalliyo arrimaha harsan ee khilaafaadka Doorashada hareeyay.

Waxaa wali soconayaa dadaalada Beesha caalamka iyo kuwa Gobolka ay wadaan si meesha looga saaro dadaala lagu xalinayo khilaafadka ku horgudboon doorashada Somalia

Khilaaf adag ayaa ka taagan qabashada doorashada Soomaaliya, waxuuna hadda xaalku marayaa in Puntland iyo dowladda dhexe ay isku tuur-tuuraan, halka la dhigayo gogosha shirka uu iclaamiyey madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Puntland, Jubbaland, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo golaha midowga musharaxiinta ayaa ku mideysan soo jeedinta ah in shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho, isla markaana la balaariyo oo ay ka soo qeyb galaan dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo beesha caalamka, balse dowladda federaalka ayaa weli diidan taas, kuna adkeysatay in 15-ka Febraayo la isugu tago Garowe.