Friday, June 25, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Q/Midoobay oo welwel ka muujisay Go’aankii DFS ku diiday John Mahama

Q/Midoobay oo welwel ka muujisay Go’aankii DFS ku diiday John Mahama

16

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay fursadda hortaalla hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee ku shirsan Magaalada Muqdisho xilli uu khudbad ka hor jeedinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo yeeshay shir gaar ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

James Swan ayaa sheegay in ay tahay arrin aad looga welwelo in dowladda Soomaaliya ay diiday ergeygii Midoowga Afrika ay usoo magacoowday Soomaaliya, Mudane John Mahama.

“Waxaa si weyn uga qoomameyneynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku diiday ergeygii Midowga Afrika usoo magacaawday Soomaaliya.

Go’aankaas kadib, John Mahama wuxuu sheegay in uu isaga laabtay tallaabadii Midowga Afrika ugu soo magacaawday in uu noqdo ergeyga gaarka u qaabilsan Soomaaliya isla markaana wuxuu hakiyay shaqadaas.

Si kastaba Dowlada Federalka ayaa ku tilmaamtay Ergeyga Midowga Afrika u soo magacaawday Soomaaliya in aanu dhex dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya, maadaama uu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya.