Qaban qaabada aaska guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland oo ka socota Kismaayo

53

Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ka socda qaban qaabada aaska guddoomiyihii hore ee rugta ganacsiga Jubbaland marxuum Shaafi Raabi Kaahim oo shalay u geeriyooday qarax argagaxisadu ay ku weerartay dad shacab ah iyo masuuliyiin xilli salaadda Jimco ay kasoo baxeen.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb gelaya Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”iyo masuuliyiin kale oo shalay safar deg deg ah ugu amba-baxay magaalada Kismaayo si ay uga qayb galaan aaska Marxuumka.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida marxuum Shaafi Raabi Kaahin guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland oo qarax lala eegtay, isagoo ka soo baxayay masjid ku yaalla magaalada Kismaayo

Sidoo kale waxaa geerida guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubba-Land ka tacsiyeeyey madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxayna rabi uga baryeen inuu janadiisa Fardowsa ka waraabiyo, waxayna dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi u rajeeyeen in uu eebbe u boogo dhayo.

Alle ha u naxariistee Shaafi Raabi Kaahin ayaa ka mid ahaa aasaasayaashii  dowlad goboleedka Jubbaland sanadkii 2011kii, waxaana lagu xusuustaa doorkii wanaagsanaa ee uu ku lahaa isku xirnaanta ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta maalgashiga dalka.