Qabanqaabada Xaflada xilwareejinta Maamulka cusub ee degmada Afgooye

105

Degmada Afgooye waxa ka soconaayo u diyaar garowga munaasabada xil wareejinta maamulka cusub ee degmada Afgooye kadib markii dhawaan Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Mudane Ibrahim Adan Ali Najah oo degmadaasi u magacaabay maamul cusub.
Waxaa heer Gebogebo ah marayso u diyaar garowga xaflada xilwareejinta iyo soo dhoweynta Gudoomiyaha Cusub ee Deg.Afgooye Dr.Aweys Abdulahi Omar (Buulalow)


Sida uu inoo xaqiijiyay Mohamed Nor Gabow oo ah Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada degmada Afgooye waxa dhawaan la qaban doonan xaflada xil wareejinta degmada.

Shalay ayey aheyd markii gudoomiyaha cusub uu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyaradda odayaasha dhaqanka Haweenka iyo culumada degmada Afgooye kuwaasoo dhamaan soo dhaweeyay hadaladii iyo waxqabadka uu balanqaaday gudoomiye Bulaalow