Qalab xaafiis oo wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku wareejiyay gudoomiyaasha degmooyinka Baydhawo iyo Berdaale.

48

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya  ayaa maanta qalab xafiis ku wareejiyey degmooyinka Baydhabo iyo Berdaale.

Qalabkan ayaa waxa looga talagalay in lagu qalabeeyo Xafiisyada Magaalooyinka  Beydhabo iyo Berdaale  waxana qalabkan la wareegay oo gudoomiyaasha  degmooyoinka kala  ah Gudoomiyaha Degamda Beydhabo  Xasan Macalin Axmed  Biikalo iyo Gudoomiyaha Degmada Berdaale   Maxamed Isxaaq Qara- Case kuwaasi oo la wareegay qalabkan  Xafiiseedka ah oo maanta soo gaariisaay wasaaradda Arrimaha Gudaha .

Sidoo kale Gudoomiyaasha degmooyinka ayaa uga mahad celiyey wasaarada waxayna sheegeen inay baahi u qabeen qalabkan.

Dhinaca  Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya  ayaa waxa uu sheegay in  demooyinka kale ay wasaarada u balanqaaday inay ka jawaabi doonto baahiyooyinkooda.gaarka ah: