Monday, July 26, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Qaramada Midoobay iyo Kenya oo ka wada hadlay amniga dalka Soomaaliya

Qaramada Midoobay iyo Kenya oo ka wada hadlay amniga dalka Soomaaliya

11

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kulan gaar ah kula qaatay Xoghayaha arrimaha difaaca dalkaas Monica Juma.

Kulanka dhexmaray James Swan iyo Monica ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha amniga geeska Afrika gaar ahaan amniga dalka Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dalalka Gobolka ee dhinaca amniga.

James Swan ayaa socdaal ku tegay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, waxaana socdaalkiisa uu qeyb ka ahaa kuwo uu maalmihii lasoo dhaafay ku marayay dalalka arrimaha Soomaaliya saameynta ku leh oo kamid yihiin kuwa Carabta.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa dhawaan kulan uu la qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Shakhboot Nahyan kala hadlay horumarka Soomaaliya iyo Gobolka.