Qaramada midoobay oo war ka soo saartay dagaalka gobalka Nagorna-Karabakh

59

Xog-hayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay wadamada Armenia iyo azerbajaan in ay dhawraan xabad joojinta gobalka Nagorna-karabakh

Mr gutteres ayaa si kulul uu cambaareyay dad rayid ah oo dhawaan lagu dilay dagaalka u dhaxeeya labada dal

Waxaana uu ka digay  sii socoshada dagaalka oo uu sheegay  in uu keenayo qasaarooyin badan oo soo gaaraya dad ka shacabka ah ka dhaw deegaanada lagu dagaalamayo

Tirada dadka ku dhintay dagaalka u dhaxeeya dalalka Armenia iyo azerbajan oo ka bilowday gobalka lagu muran sanayahay ee Nagorna-karabakh ayaa kor dhuuftay 710 ruux