Qarax caawa ka dhacay Muqdisho iyo Faah-faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya

84

Jugta qarax xoogan ayaa daqiiqado kahor laga maqlay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadi, kaas oo ka dhacay qeyb ka mid degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa miino lagu aasay laamiga dhinaciisa ayaa waxaa lala eegtay gaari uu la socday Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka, xili uu marayay wadada 21-ka Octoober ee degmada Waaberi.

Goobjoogayaal  ayaa  sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan, isla markaana la xaqiijiyay in lala eegay gaari uu watay Afhayeen Sadiiq Aadan Cali Doodishe, xili uu marayay wadada.

Saraakiil ka tirsan Booliska dowladda ayaa sheegay in qaraxa uu ka badbaaday Afhayeen Sadiiq Doodishe, uuna Caafimaado qabo, hayeeshee qeyb kamid ah gaarigiisa uu firir gaaray.

Qof oo shacab ah oo goobta ka Agdhaweyd, laguna sheegay Haween ayaa dhaawac kasoo gaaray qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana loola cararay Xarun Caafimaad, ma jiro khasaaro kale oo ka dhashay.