Qarax Caruur waxyeelo ka soo Gaartay oo ka dhacay Galkacyo

31

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa tiro caruur ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay miino kula qaraxday duleedka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in miinadu qaraxday xilli ay ku ciyaarayeen caruurtaas oo ku sugneyd deegaan hoos-yimaada magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey illaa afar caruura ah ayaa ku dhaawacantay, kuwaas oo la dhigay isbitaalka guud ahaa ee degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladda qaar ka mid ah caruurta ay waxyeeladu soo gaartay ay liidato, balse waxaa la tacaalaya saraakiisha caafimaadka.

Ma jiro wax faah faahin ah oo maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amnigu ay ka bixiyeen dhacdadaasi.

Inta badan waxaa gudaha Soomaaliya ka dhaca qaraxyada noocaan oo kale, kuwaas oo sababa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.