Qarax dad Shacab ah lala Eegtay oo Ka Dhacay Shabeeladda Dhexe

58

Faah faahin dheerad ah ayaa ka soo baxaya qarax mino oo ka dhacay gobolka Shabeelada Dhexe
Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay degaanka Miir-tuuge oo u dhaw degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Qaraxa ayaa la tilmaamay in uu ahaa miino dhulka lagu aasay oo lala beegsaday Mooto ay saarnaayeen dad shacab ah oo waddada marayay, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaaray dadka shacabka ah ee Miinada lagu bar-tilmaameedsaday.

Inta badan wadada dheer ee xariirisa Jowhar iyo Balcad ayaa waxaa lagu Asaa miinooyin lala eegto dadka shacabka iyo ciidamada isticmaalo wadadaasi.
Mas”uuliyadda Qaraxa mino ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab in ay ka dambeeyaan