Qarax dhaliyay dhimashadda Saddex ruux iyo dhaawaca11 kale oo ka dhacay Afghanistaan.

59

Ugu yaraan Saddex qof ayaa ku  dhimatay 11 kalena waa ay dhaawacmeen bambo wadada dhinaceeda lagu aasay oo qaraxday gaari bas ah oo ay la socdeen shaqaale ka tirsan dowladda Afghanistan oo ku sugnaa magaalada Kabul maanta khamiis ah sida ay sheegeen saraakiisha amaanka dalkaasi.

Weerarka ayaa yimid iyada oo dowladda Afghanistan, Taliban iyo waddammada muhiimka ah, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Ruushka, ay isugu isku aruursanayaan magaaladda Moscow si ay uga wada hadlaan yareynta rabshadaha muda dheer ka socda Afghanistan.

Afhayeen u hadlay booliska Kabul ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada laakiin ma uusan bixin faahfaahin dheeri ah. Sarkaal kale ayaa sheegay in gaariga ay la socdeen shaqaale ka tirsan dowladda Afghanistan.

Qaraxa ayaa haleelay gaari bas ah oo ay kireysay wasaaradda warfaafinta iyo teknolojiyadda Afghanistan si loogu qaado shaqaalaha, ayuu yiri Abdul Samad Hamid Poya, oo ah lataliyaha wasaaradda.

Wuxuu intaas ku daray inaysan caddeyn xilligan cidda ay yihiin kooxda weerarka gaysatay.

Ma jirto cid si deg deg ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, laakiin dowladda Afqaanistaan ayaa ku eedeeysay Taalibaan olole dil ah oo ka dhan ah shaqaalaha dowladda, bulshada rayidka ah iyo saxafiyiinta.

Taliban ayaa beenisay in ay ku lug leedahay weerarada ka dhan ah bulshada rayidka iyo suxufiyiinta.