Qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

26

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka isgoyska Xaawo-Taako oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid is-miidaamin ah, islamarkaana uu fuliyey ruux naftii halige ah.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Faah faahinta goor dhow la soco:-