Qarax Iyo Weerar Toos Ah Oo Lagu Qaaday Hoteel Ku Yaalla Xeebta Liido

35

Weerar ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu qaaday Hoteelka Caanka ah ee Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee Muqdisho, islamarkaana ka mid ah Hoteellada sida casriga ah loo dhisay.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in Gaariga qarxay ay xigeen dabley hubeysan oo Gudaha u galay hoteelka, halkaasi oo laga maqlaayo rasaas xooggan.

Ciidanka Ilaalada Hoteelka iyo Kooxda weerartay hoteelka ayaa dagaallamaya iyadoo gudaha hoteelka ay ku jiraan dad Shacab ah.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay.