Qarax Ka Dhacay Degmada Awdheegle

45

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo ah miinada nuuca dhulka lagu aaso kaasi dhacay inta dhaexeysa deegaanka lambar 50 iyo degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha hoose.

Qaraxaan ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada hal qof oo kaliya mana jirto wax kale oo khasaara ah oo laga soo wariyay in uu geystay qaraxaani miinada ah.

Gudoomiyaha degmada awdheegle ee gobolka shabeelaha hoose ayaa faafaahin ka bixiyay qaraxa maanta ka dhacay inta udhaxeysa degaanka lamabr 50 iyo degmada awdheegle.

Gudoomiyaha degmada awdheegle Cabdualhi cismaan abuukar ayaa sheegay in qaraxani uu ahaa mino islamarkaasi ay la qaraxday ruux doonayay in uu meesha ku aaso.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in meesha uu qaraxu dhacay aysan u dhaweyn dad shacab ah wax khasaare oo dadkale ugeeystayna aysan jirin marka laga reebo ruuxii miinada aasayay.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay wadaan howlgalo balaaran iyo baaritaano lagu xaqiijinayo amaanka deegaanada dhaca gobolka shabeelaha hoose.

Iskusoo wada aruuriyo ma ahan marki ugu horeysay oo sidaan oo kale qarax miino ah uu ugu dhaco inta udhaxeysa lamber 50 iyo degmada awdheegle.