Qarax ka dhacay Garbahaarey iyo Masuuliyiin ku geeriyooday

53

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo daqiiqado kahor ka dhacay qeyb kamid ah degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, kaasi oo ah miino nooca dhulka lagu aaso ah lagana hago meelaha fog-fog.

Qaraxaas ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo ay la socdeen Guddoomiye ku-xigeenka Amniag iyo siyaasadda deegaanka Garasbaaleey iyo Guddoomiyaha dhalinyarada deegaankaas, xili marayeen xaafadda Xoosh.

Waxaa la sheegay in qaraxa kadib ay rasaas xoogan fureen Ciidamo ka tirsan dowladda oo goobta ka Agdhawaa, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaaro dhimasho ah.