Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin dheeraad ah

184

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Qarax Maanta oo ka dhacay Nawaaxiga Biyo dega Sii-sii oo u dhexeeya Isgosyada Sanca iyo Fagax ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku warrramay in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, isla markaana ay qaraxday xili uu halkaas uu marayay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqanta.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo xiligaas ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn Isgoyska Sanca, iyagoo aaga xiray, hayeeshee daqiiqado kadib furay.

Lama soo werin Khasaaro ka dhashay qaraxaas ka dhacay biyo dega Sii-sii ee Muqdisho, waxaana wararka qaarkood ee la helayo ay sheegayaan in qaraxaas uu ka badbaaday Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah, isla markaana waxaa  qaraxyadaas ka dhasha Khasaaro, iyadoo habeeno kahor qarax miino oo ka dhacay Isgoyska Talaax uu ku dhintay mid kamid ahaa Shaqaalada Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya.