Qarax khasaare geystay oo ka dhacay degmada Afgooye

193

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ahaa nooca miinada, kaas oo ka dhacay suuq xoola nool lagu iibiyo oo ku yaalla degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxaas uu ku dhintay hal qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ahaa dad shacab ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay wax ka dhaceen ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa suuqa uu qaraxu ka dhacay.