Qarax khasaare geystay oo ka dhacay degmada Ceelwaaq

46

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaayad ku taalla bartamaha magaalada, taas oo ay ku sugnaayeen askar iyo dad shacab ah.

Ugu yaraan 2 qof araa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo qaraxa kadib sameeyey baaritaano kooban.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa qaraxyada ceykan oo kale ah ka fuliya gudaha Soomaaliya, iyaga oo inta badan bartilmaameedsay ciidamada dowladda.