Qarax khasaare geystay oo ka dhacay wadada xiriira Muqdisho iyo Afgooye

60

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Garasbaaley.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ayaa sheeagaya in qaraxaasi ay waxyeelo ka soo gaartay illaa saddex qof oo dhamaan ah dad shacab ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo ka hadlay qaraxan ayaa sheegay in gaariga ciidamada dowladda ee lala damacsanaa uu kja bad-baaday qaraxaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay isku socodka dadka iyo gaadiidka intaba.