Qarax Khasaaro Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Marka

49

Wararka aan ka helayno magaalada marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku warramaya in goordhaweyd uu qarax ka dhacay Magaaladaasi, waxaana la helayaa faah faahin kala duwan oo qaraxaasi ku aaddan.

Qaraxa ayaa ahaa Miino goobta lagu sii diyaariyay, waxaana goobta la qarxiyay ay ahayd goob aad u mashquul badan sida ay ku warramayaan dadka degaanka.

Wararku waxaa ay tilmaamayaan in Qaraxu uu ka dhacay Suuq lagu iibiyo qaadka oo ku yaalla Magaalada Marka, waxaana la sheegay in khsaaaro uu ka dhashay qaraxa.