Qarax Khasaaro Geestay oo Ka Dhacay shabeeladda Dhexe

42

Qarax miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya, khasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawac ayaana ka soo gaaray Qaraxaasi.

Wararka aan ka heleyno halkaasi ayaa  sheegaya  in qaraxa lala eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamada dowladda, xilli ay marayeen inta u dhaxeysa degaanka Biya Cadde iyo degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

qaraxaasi ayaa waxa  ku dhimatay  afar Askari oo ka tirsan Ciidamada halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, waxana la sheegay in Ciidamada qaraxa lagu weeraray ay ka yimaadeen dhinaca degmada Jalalaqsi kuna soo wajahnaayeen Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya .

Qaraxyada Miino ee lala beegsanayo Gaadiidka ay wataan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom  ayaa kusoo batay gobolada dalka, waxaana maalmo ka hor ay aheyd markii degaano ka tirsan Gobolka Shabeelladda dhexe  qaraxyo ka dhacay ay waxyeelo kasoo gaartay Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Ilaa iyo hadda ma jirto saraaakiil ka tirsan kuwada dowlada oo faahfaahin ka bixiyay qaraxaasi lala eegtay Ciidamada Dowlada eek u safrayay Gobolka shabeeladda Dhexe