Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Beexaani dhinaca degmada Kaaraan, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Gobolka Banaadir.
Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Taliyaha cusub ee Ciidanka ilaalada deegaanka Xamar, xili uu marayay xaafadda Beexaani ee Kaaraan.
Goobjoogayaal la hadlay najah online ayaa sheegay in qaraxaas uu ka badbaaday Taliye Caraboow oo ah Taliyaha ilaalada deegaanka Xamar, hayeeshee uu jiro khasaaro dhaawac ah.
Saddex Askari oo la socday Taliye Caraboow ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaas ka dhacay degmada Kaaraan, waxaana la geeyay Xarun Caafimaad
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray wadada, in kastoo markii dambe ay dib u fureen.