Qarax lagu dilay askar badan oo ka dhacay duleedka degmada Balcad

39

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay gaari ay la socdeen ilaalada guddoomiyaha degmada Balcad oo marayey tuulada Buulo-Kuunto oo u dhow Jiirada deegaanka Daniga Baalow.

Ku dhowaad 10 askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen illlaa saddex kale, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Balcad iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka socday dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliso halkaasi.