Qarax Lala Eegtay Mas’uul Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

66

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax barqanimadii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Hiliwaa oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo dhowr ah oo ka tisran Gobolka.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hego meelaha fog-fog ayaa waxaa lala eegtay gaari uu saarnaa Guddoomiye Waaxeed ka tirsan deegaanka Daarusalaam ee Muqdisho, xili uu marayay Xeyla Bariise.