Qarax miino oo goor dhow ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

45

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo marayey wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho & Afgooye.

Sidoo kale qof goobjooge ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay qaraxa uu ku dhintay hal askari, sidoo kale ay ku dhaawacmeen labo kale.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas muddo kooban xiran dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.

Inta badan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa weeraro qaraxyo iyo kuwa dhaba-gal ah kooxda Al-Shabaab kala kulma xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.