Qarax Muqdisho lagula eegtay ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM

23

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay inta u dhexeysa isgoyska Fagax iyo wadada aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya ee dgmada Kaaraan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan rideen ciidamada AMISOM ee qaraxa lagula eegtay halkaasi.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay halkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen 9 kale oo dhammaan ah dad shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Waa qaraxii labaad ee isla jidka Jamhuuriyo lagula eegto ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howl-gala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.